Powered by Blogger.

Sunday, 24 January 2016

XANTA SUUQA & XIDIGAHA LA RABO: Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo wargaysyada!

Saaxiibayaal kusoo dhowaada xubintii xanta suuqa & xidigaha lakala doonayo oo noo taxnaan doona tan iyo inta uu suuq-jiilaalku furan yahay, insha ALLE.


Milan oo baacsanaysa Ben Arfa

AC Milan ayaa beeg beegaysa qorshe ay ku doonayso weerar kooxda Nice ee Hatem Ben Arfa, kaasoo haatan wacdaro ka dhigaya kooxdan ka dheesha Ligue 1 oo uu xagaagii kusoo biiray.

Isha: L’Equipe


Manchester City ayaysan celin doonin shuruudaha la dul dhigay laacibka ay cayrsanayso ee Athletic Bilbao jaalle Inaki Williams tiiyoo ay jirto in haatan qandaraaskiisa lagu fasiqi karo €50 milyan oo euro.

Isha: Sunday Express


Hiddink oo hor istaagay doonistii Chelsea ee Pato 

Macallinka Chelsea ee Guus Hiddink ayaa baloogay qorshe ay Blues ay ku baacsanayso qannaaska Corinthians ee Alexandre Pato taasoo ay ugu wacan tahay walaac ka jira inuu laacibkani anfacayo Stamford Bridge iyo in kale.

Isha: Daily Star


Atletico oo gaad gaadaysa Gaitan

Atletico Madrid ayaa danaynaysa kubad dhisaha Benfica ee Nicolas Gaitan kahor inta uusan dhamaanin suuq-jiilaalkan Jannaayo, yeelkeede laacibkan reer Argentina ee caalamiga ah ayaa ku kacaya €45 milyan oo euro.

Isha: Fichajes.net


Juve oo Kramer ku bedelaysa Pogba

Juventus ayaa soo arkatay laacibka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen jaalle Christoph Kramer oo ay u calaamadaysteen bedelka Paul Pogba haddii uu lacalla xagaaga ka tago, waloow ay Napoli  sidoo kale doonayso laacibkan reer Germany ee caalamiga ah.

Isha: Fichajes.net


Man Utd oo doonaysa Rodriguez

Macallinka Manchester United ee Louis van Gaal ayaa doonaya dambeedka Wolfsburg ee Ricardo Rodriguez si ay ugu xalliyaan xasaradda ka haysata dhanka daafaca. Kooxda Man Utd ayaa muddo isha ku haysay wiilkan reer Swiss waxayse hardan ka wajahayaan kooxda Real Madrid.

Isha: The Sun


Hughes oo soo galay shaashadda Chelsea

Macallinka Stoke City ee Mark Hughes ayaa soo galay raadeerka Chelsea si uu u noqdo macallinkooda dhamaadka fasal-ciyaareedkan.

Isha: Sunday Mirror


Maxay tahay sababta Man Utd aysan iskugu ceebaynin Pep 

Manchester United ayaan isku dayinba inay u dhaqaaqaan saxiixa Pep Guardiola maadaama 4 bilood kahor loo sheegay in macallinka Bayern uu heshiis nin wayn la gaarey kooxda Manchester City.

Isha: Mirror


TEAM PARTICIPATING