
Waxa uu xusay Alexis Sanchez haddii ay kooxdiisa Arsenal hanato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kaasoo aysan qaadin tan iyo sanadkii 2004, inuu samayn doono hab cusub oo uu ugu dabaal dego.
“Waxa ay noqon lahayd riyo, haatan ma aqaanno wixii aan sameyn lahaa haddii aan ku guuleysano horyaalka, laakiin malaha shabad ayaan isku sawiri lahaa si aan ugu dabaal dego.” ayuu yiri weeraryahanka Gunners.
Alexis Sanchez oo sagaal gool u dhaliyay Gunners xilli ciyaareedkan ayaa dhinaca kale been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu ka tagi doono kooxdiisa Arsenal.