Slider

Powered by Blogger.

Club Football Hot News

Sunday, 24 January 2016

Daawo Goos GoosKa Arsenal 0:1 Chelsea FC

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa Diego Costa ku eedeeyay in uu sabab u ahaa in kaadhka cas oo toos loo taago difaaca kooxdiisa ee Per Mertesacker, wuxuuna Wenger sheegay in Costa uu kulankii Stamfrod Bridge uu sidoo kale sabab u ahaa in casaan la siiyay Gabriel. Wenger ayaa Costa ku tilmaamay mid xariif ah.

Costa ayaa goolka Arsenal u furnaa waxaana takal waqtigiisa ka soo daahay doonayay in uu Costa kubbada kaga reebo Per Mertesacker kaas oo u muuqday in uu go’aan sahlan siiyay garsoore Mark Clattenburg balse Wenger ayaa eeda dusha ka saaray Costa.

Wenger ayaa markii ay soo dhamaatay ciyaartii Emirates Stadium la hadlay Sky Sports waxaana wax laga waydiiyay casaankii la siiyay Mark Clattenburg wuxuuna yidhi: “Mertesacker casaan ayaa lagu sababay, ma odhan kartaan run ma aha, Costa waxa uu sabab u ahaa in laba ciyaartoy oo kooxdayada ah laba kulan casaan la siiyo sidaa daraadeed waa xariif”ayuu Wenger u sheegay Sky Sports.Wenger.

Wenger oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kulankii hore waxa uu sabab u ahaa in casaan la siiyay Gabriel, maantana waxa uu casaan u sababay Mertesacker, taakalku ma waxa u ahaa mid aan caadi ahayn mise mid kale? Miyuu Mertesacker taabtay Costa? Waxaa waajib ah in aan dib u daawado, laakiin xaqiiqdu waa xaqiiq”.Per Mertesacker

Costa ayaa sidoo kale ahaa xidiga Gunners guuldarada u horseeday isaga oo goolka kaliya ee ay Chelsea ku badisay dhaliyay laakiin Wenger ayaa sheegay in aanu Costa eedaynayn laakiin waxa u usheegay ay tahay wixii dhacay wuxuuna yidhi: “Anigu Costa waxba kuma eedaynayo, kaliya waa wixii dhacay”.martesaker

Guuldarada Arsenal soo gaadhay ayaa sabab u noqotay in ay kaalinta saddexaad u dhacdo halka guusha ay Blues gaadhay ay keentay in ay kooxda Guus Hiddink ay soo gasho kaalinta 13 aad inkasta oo ay wali la dhibco tahay kooxda kaalinta 14 aad ku jirta.

Halkaan Ka DaaWo MuuQaalKa

XANTA SUUQA & XIDIGAHA LA RABO: Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo wargaysyada!

Saaxiibayaal kusoo dhowaada xubintii xanta suuqa & xidigaha lakala doonayo oo noo taxnaan doona tan iyo inta uu suuq-jiilaalku furan yahay, insha ALLE.


Milan oo baacsanaysa Ben Arfa

AC Milan ayaa beeg beegaysa qorshe ay ku doonayso weerar kooxda Nice ee Hatem Ben Arfa, kaasoo haatan wacdaro ka dhigaya kooxdan ka dheesha Ligue 1 oo uu xagaagii kusoo biiray.

Isha: L’Equipe


Manchester City ayaysan celin doonin shuruudaha la dul dhigay laacibka ay cayrsanayso ee Athletic Bilbao jaalle Inaki Williams tiiyoo ay jirto in haatan qandaraaskiisa lagu fasiqi karo €50 milyan oo euro.

Isha: Sunday Express


Hiddink oo hor istaagay doonistii Chelsea ee Pato 

Macallinka Chelsea ee Guus Hiddink ayaa baloogay qorshe ay Blues ay ku baacsanayso qannaaska Corinthians ee Alexandre Pato taasoo ay ugu wacan tahay walaac ka jira inuu laacibkani anfacayo Stamford Bridge iyo in kale.

Isha: Daily Star


Atletico oo gaad gaadaysa Gaitan

Atletico Madrid ayaa danaynaysa kubad dhisaha Benfica ee Nicolas Gaitan kahor inta uusan dhamaanin suuq-jiilaalkan Jannaayo, yeelkeede laacibkan reer Argentina ee caalamiga ah ayaa ku kacaya €45 milyan oo euro.

Isha: Fichajes.net


Juve oo Kramer ku bedelaysa Pogba

Juventus ayaa soo arkatay laacibka khadka dhexe ee Bayer Leverkusen jaalle Christoph Kramer oo ay u calaamadaysteen bedelka Paul Pogba haddii uu lacalla xagaaga ka tago, waloow ay Napoli  sidoo kale doonayso laacibkan reer Germany ee caalamiga ah.

Isha: Fichajes.net


Man Utd oo doonaysa Rodriguez

Macallinka Manchester United ee Louis van Gaal ayaa doonaya dambeedka Wolfsburg ee Ricardo Rodriguez si ay ugu xalliyaan xasaradda ka haysata dhanka daafaca. Kooxda Man Utd ayaa muddo isha ku haysay wiilkan reer Swiss waxayse hardan ka wajahayaan kooxda Real Madrid.

Isha: The Sun


Hughes oo soo galay shaashadda Chelsea

Macallinka Stoke City ee Mark Hughes ayaa soo galay raadeerka Chelsea si uu u noqdo macallinkooda dhamaadka fasal-ciyaareedkan.

Isha: Sunday Mirror


Maxay tahay sababta Man Utd aysan iskugu ceebaynin Pep 

Manchester United ayaan isku dayinba inay u dhaqaaqaan saxiixa Pep Guardiola maadaama 4 bilood kahor loo sheegay in macallinka Bayern uu heshiis nin wayn la gaarey kooxda Manchester City.

Isha: Mirror


Haddii ay Arsenal ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan muxuu sameyn doonaa Alexis Sanchez?… (Isaga ayaa ka jawaabaya)

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee ayaa shaaca ka qaaday waxa uu samayn doono haddii kooxdiisa Arsenal ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Waxa uu xusay Alexis Sanchez haddii ay kooxdiisa Arsenal hanato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, kaasoo aysan qaadin tan iyo sanadkii 2004, inuu samayn doono hab cusub oo uu ugu dabaal dego.

“Waxa ay noqon lahayd riyo, haatan ma aqaanno wixii aan sameyn lahaa haddii aan ku guuleysano horyaalka, laakiin malaha shabad ayaan isku sawiri lahaa si aan ugu dabaal dego.” ayuu yiri weeraryahanka Gunners.

Alexis Sanchez oo sagaal gool u dhaliyay Gunners xilli ciyaareedkan ayaa dhinaca kale been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu ka tagi doono kooxdiisa Arsenal.

Kooxda Chelsea oo iska iibinaysa laacibkeeda khadka dhexe ee Ramires

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay lacag kaash ah isaga iibinayso laacibkeeda khadka dhexe ee Ramires.

Xiddiga xulka qaranka Brazil ayaa kaliya heshiis afar sanadood ah qalinka ugu duubay kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge xagaaga.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu saftay todoba kulan kaliya Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana Blues ay isku diyaarinaysaa inay suuqa dhigto oo ay iska ibiiso 28-sano jirkaan, sida ay maanta daabacday jariiradda Daily Mail.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain inay muujiyeen xiisaha ay u hayaan xiddigan, inkastoo aysan soo gudbin dalab la taaban karo.

Ramires ayaa kooxda Blues waxa ay 18 milyan oo gini kaga soo qaadatay Benfica bishii August ee sanadkii 2010-kii.

‘Lionel Messi ayaa na bad-baadiyay’

Xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Javier Mascherano ayaa carabka ku dhuftay in kulankii xalay ay kooxdiisa Barcelona hogaanka ku qabatay uu bad-baadiyay laacibkooda Lionel Messi oo goolka guusha u gacan galiyay.

Munir ayaa gool u dhiibay Barcelona labo daqiiqo uun kaddib bilwoga ciyaarta hayeeshee naadiga Malaga ayaa bar-bareysay inta aan la marin qeybtii labaad ee ciyaarta.

Laakiin wiilka ku guuleysatay Ballon d’Or shanta jeer ee Lionel messi ayaa goolka guusha u dhiibay Barcelona kaddib kubbad dhul ma dhacdo ah uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta.

“Waa mid wayn oo lagu daray inaad Lionel Messi ku heysato kooxda,” Mascherano ayaa sidaa u sheegay bogga rasmiga ah ee kooxda Barcelona.

“Si la mid ah inaad kooxda ku heysato laacibiinta sida Andres Iniesta, Luis Suarez iyo Neymar.

“Marka aynu ku jiro waqti adag guud ahaan, waxay ku siinayaan fursada aad ugu guuleysan karto kulanka.

“Waxaynu ku guuleysanay sababo badan oo la xiriira tayada shaqsi ahaaneed marka loo fiiriyo wax kasta oo kale, laakiin saddexda dhibcood ayaa wax wayn ah. Lagama maarmaan ayay ahayd inaan guuleysano.


Aragtidiinu waa muhim

TEAM PARTICIPATING